Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka xerada ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa sadax ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaan baabuur ee maanta ka dhacay muqdisho, kuwaas oo saarna mooto Bajaajta uu dulmaray gaariga Xamuulka ah oo noociisu Soomaalida u taqaano Waaraad, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Ciidamo ka tirsan kuwa nabad galyada wadooyinka iyo Booliiska ayaa u gurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilka Baabuur oo ahaa mid naxdin badan.
Ugu dambeyntii shilkaan ayaa kusoo beegnaya, iyadoo isbuucyo ka hor shil kale oo kasii naxdin badnaa mid kaan uu ka dhacay Muqdisho, kadib markii gaari weyn oo nuuca xamuulka qaad ah ku dul dhacay gaari caasi ahaa oo ay saarnayeen dad soona oo kusii jeeday guryahooda.












