“Sh.Abu-Muscab”Afrikaanta Gaajada Iyo Gaalnimada Isku Darsatay Wey Ku Halaagsameen Weeraradeena.

0
519

Sh. C/Caziiz Abu Muscab Afhayeenka Dagaalyahanada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo La Hadlay Warbaahinta ayaa ka waramay howlgalladii ay Shabaabul-Mujaahidiin ka sameeyeen Magaalada Kismaayo iyo Gobolka Sh.Hoose kuwaas oo tiradoodu ay gaaraysay ilaa 5 hawlgal oo uu ku jiro Weerar ay Xalay ku qaadeen Markab Ciidanka Kenya Ay lahaayeen oo taagan xeebta Kismaayo Sida Uu Sheegay Abu-muscab.

Afahayeenka ayaa sidoo kale wuxuu Carabka Ku Dhuftay Hadalladii e maalmihii lasoo dhaafay kasoo kala yeerayay Madaxda wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya Ee AMISOM Kuwaa Oo Uu Waqtigoodii dhamaatay Iyo Fikirka Kaga Aadan Al-shabaab.

C/casiis ayaa Gaba Gabada Hadalkisii Waxa Uu Baaq u jeediyay Dagaalyahanada Ama Ciidamada Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab Waxa Uuna Sheegay In Ay Naftooda iyo Maalkooda u hurayaan Al-shabaab sidii ay Afrikaanta Gaajada iyo Gaalnimada isku darsatay uga difaaci lahaayeen Diinteena Sida Uu Hadalka U Dhigay Sh.Abu-muscab.

Hadalkaani Ka Soo Yeeray Madaxda Al-shabaab Ayaa Imaanaya Xilli Awoodii Ay Ku Lahayeen Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka Soomaaliya Ay Sii Wiiqantay Maadaama Ay Dowladaha Huwanta Ee Iskaashanaya Ay Haatan Ku Suhanyihiin Goobihii Muhiimka U Ahaa Al-shabaab.