Ma dhabbaa hanjabaada ciidamo la bixidda dawlada uganda soo jeedisey? Mise waa isxeysiin ay caalamka tuseyso?

0
488

Dhawaan ayaa dawlada uganda waxaa lagu eedeeyey in ay taageerto jabhad ku kacsan xukuumada kongo,taas oo uganda kaga jawaabtey in ay jeedisey hanjabaad ah in ay soomaaliya ciidamadeeda kala bixi doonto.

Waxeyna u muuqataa in ay lobo midkood tahey in uganda rabto in aan la arkin faa’ìidada dhaqaale ee ay soomaaliya ku heysato,isla markaana ay hakiso kuwa u soo hanqaltaagaya in ay soomaaliya ciidamo u soo diraan iyo in ay uganda rabto ismuujin ay caalamka is tuseyso mana dhici karto in ay uganda dooneyso in ay ka baxdo soomaaliya.

Dawlada uganda waxey heysataa dawlada mareykanka oo markiiba madaxa u salaaxdey uganda tirina ciidamada uganda oo baxaa waa guul daro nawada saameyneysa sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa in dawlada uganda ka laabato hadalka kasoo yeerey ayuu yiri mas’uul u hadley dawladda mareykanka.

Waxaa xaqiiq ah in dawlada uganda ay faa’iido ku heysato joogitaankeeda soomaaliya kaas oo ah mid dhaqaale iyo sumcad mana dooneyso in dawlado kale ay soomaaliya ciidamo u soo diraan,waxaaney dawlada uganda mamnuucdey in dhaqaalaha ay caalamka ka helaan wax kamid ahi uu galo dalka soomaaliya dawlada uganda waxey askarteeda uga keentaa dalkeeda wax kasta oo askarteedu u baahanyihiin iyadoo diideysa in dhaqaale galo soomaaliya.