Xasan Sheekh Maxmuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalaka Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midoowga Yurub ee uu hogaaminayey Mechealle Cervone Safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya Ayaa Kulanka ka dib saxaafada la hadlay iyagoona ka warbixiyey waxyaalahii ay ka wada hadleen Iyo Arimu Xasaasi Ah.
Mechealle Cervone Oo Ah Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya ayaa Sheegay In Midoowga Yurub Ay Soomaaliya U ansaxiyeen 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah.
Sidoo Kale Wuxuu Sheegay Kaalamadaani In ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada dhexe, oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya ,212 Milyan oo la gaarsiiyey 412 Milyan oo lacagta MidoowgaYurub ah
Xasan Sheekh Gur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Waxa Uu uga mahad celiyey kordhinta deeqaha Midoowga Yurub siiyaan Soomaaliya isagoona tilmaamay in kaalamada Midoowga Yurub mar walba Ay muuqatay.




