Ciidamada afrika oo siyaasiyiin iyo aqoonyahan soomaaliyeed sheegeen in aan loo baahneyn sii joogtaankooda soomaaliya…..

0
482

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano soomaaliyeed oo ka qeyb galayey barnaamij lagu falanqeynayey waxa ciidamada afrikaanka ah ay faa’iido iyo khasaare u keeneen soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa la hor dhigey su’aashaas ismaaciil hure buu’baa wuxuuna sheegey in ciidamada afrika loo helo waqti go’an isla markaana ay maamusho dawlada soomaaliya maadaama la yiri kumeel gaarkii waa laga baxey,isagoo cadeeyey in imaatinkooda ay soomaalidu sabab u tahey.

Sidoo kale gud.kuxigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic ayaa isaguna sheegey in ciidamada afrika aysan soomaaliya wax faa’iido ah u keenin balse ay khasaare ba’an u keeneen soomaaliya sida dhimasho hanti la burburiyey barakac iwm,timajilic ayaa sidoo kale tusaale kale usoo qaatey ciidamada afrika dhibaatada ay soomaalida u geysteen in ay kamid tahey in ay awooda dalka ku takri falaan iyagana wax laga weydiiyo,waayo waxey heystaan awoodi ciidamada xooga,booliski,nabadsugidii iyo waliba kuwo rayid ah oo hada la sheegey in wasaaradaha loo soo wado marka magaceeni ayeyba hada la wareegeen,isagoo waliba tilmaamey in magaca ay wataan hada ee loogu yeero uu yahey bililiqo aarmiga soomaaliya waxaa qaadan kara oo keliya ciidamo soomaaliyeed lamana dhihi karo ama looguma yeeri karo AMISOM.

Sidaas si lamid ah waxaa isaguna cadeeyey in xukuumada soo socota laga rabo la xisaabtan iyo hawl gelinta ciidamadaas dalka soomaaliya ku sugan iyo waqti cadeynaya joogitaankoodaba aqoonyahan dr c/raxmaan daqare oo isaguna barnaamijka ka qeyb qaadanayey.

Waxeyna guntii iyo gunaanadkii dhamaantood isku raaceen mas’uuliyiinti dooda ka qeyb qaadatey in soomaalida looga baahanyahey feker mideysan si ay isu daba qabtaan hadii kale laga faa’iidi doono inta aanba la gaarin faa’iido iyo khasaare soomaalida dhexdeedu ka hadasho.