Qarax Ismiidaamin Oo Maanta Markale Lagu Weeraray Maqaaxida The Village Qeytedii K.M.4 Ee Magaalada Muqdisho

0
463

Inta la ogyahay 4 qof ayaa ku dhimatey 10 kalena waa ku dhaawacmeen ka gadaal markii laba qof oo xirnaa jaakadaha waxyaabaha qarxa lagu xiro soo gashtey kuna hubeysnaa baastoolado ay isku qarxiyeen baarka Village qaybtiisa ku taala Agagaarka Isgoyska Soobe.

Qaraxyo sidaan oo kale ah ayaa waxaa bishii September lagafuliyey baarka Village qaybtiisa Xamarweyne waxaana ku dhintey 15 qof In Ka Badana Wey Ku Dhaawacmeen Kadib Markii Ay Sidaan Oo Kale 2Ruux Oo Labisan Dareeska Ciidmada Ay Isku Miidaamiyeen Goobtaasi Oo Ay Ku Sugnaayeen Wariyayaal,masuuliyiinta Dowlada Somaliya Iyo Waliba Dadkale.

The Village Baarkaani Loo Yaqaano Nimankii Maanta Isku Qarxiyay ayaa Intey Fulinin Qaraxa Waxaa is hortaagey mid ka mid ah nimankii is qarxiyey in uu gudaha u galo kaas isla goobtaas isku qarxiyey waxaana wararku sheegayaan in nin kale uu banaanka isku qarxiyey kadib markii ay raas is weydaarsadeen ilaaladii Baarka.

4-taani Ruux ee dhintey laba kamid ah waa nimankii weerarka sooqaadey halka labadakale ay ahaayeen ilaaladii baarka Waxaana dadka ku dhaawacmey loola carery goobaha caafimaadka , kuwaas oo qaarkood xaaladoodu Laga Deeriyay.

The Village Qeybtiisii Soobe Ee Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa fariista shaqaalaha dawladda, xildhibaano, qurbajoogta iyo dad kale oo bulshada magac ku leh Iyadoona Ay Qaraxaani Tahay Midkii Labaad Ee Lala Bartilmaameedsado Dadka Ku Sugan Baararka The Village Ee Magaalada Muqdisho.