Sida Aynu Ku Heleeno Wararka Ayaa Qaraxyo waaweyn waxa Ay gilgileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan ay qabsadeen ciidamada Huwanta Ah Ee Iskaashanaya.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda SomaliStar iyadoona ay ahaayeen laba qarax waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo isku jir ah oo goobta lagu weeraray qaraxyada Saldhig U Ahaa.
Magaalada Kismaayo oo ku dhawaad bil gacanta Dowlada Somalia ku jirta waxaa ka socda howlgallo ay fulinayaan Dagaalyahanada Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab.




