Wariye Max’ed Max’uud Tuuryare Oo Caawa Ku Geeriyooday Gudaha Isbitaal Madina Ee Magaalada Muqdisho.

0
509

Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare Allaha u naxariistee oo ka tirsanaa weriyaasha idaacada Iyo TV-ga Shabelle ayaa ugu geeriyooday dhaawac soo gaaray Axadii aan ka soo gudubnay isbitaalka Medina Ee Magaalada Muqdisho.

kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare waxa ay ku weerareen degmada Wadajir 21kii bishan isagoo ka soo baxay masjid Ku Yaala Degmadaasi.

Wariyaha ayaa lagu dawaynayay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho iyadoo rasaasta lagu dhuftay ay ugaga dhacday caloosha iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa Qeybteedii Kore.

Caafimaadka Wariyaha ayaa ka soo reyneysay maalmihii la soo dhaafay hase yeeshee sida ay sheegeen qaar ka mid ehelada weriye Tuuryare saaka ayaa naqaska ku xirmey waxaana ugu dambayntii uu caawa u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray 21-10-2012.

Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare Allaha U Naxariistee ayaa noqonaya weriyihii lagu dilo dalka Soomaaliya sanadkan 2012-da Iyadoona Dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkan lagu diley degmada Wadajir agaasimihii idaacada Shabelle Xasan Fantastic Allaha U Naxariistee.