Dawladaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya oo Balanqaaday Taageerada Doorashooyinka Soomaaliya.

0
3

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo in awoodda doorashada dib loogu celiyo shacabka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa sheegay inay Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kala shaqeynayaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Hadalladan ayaa ka soo baxay kulan xog-bixin ah oo guddiga doorashooyinka uu Muqdisho kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada dalal iyo hay’ado caalami ah, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda iyo horumarka geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay safiirrada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Türkiye, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa xubnaha beesha caalamka uga warbixiyay shaqada guddiga iyo tallaabooyinka laga qaaday hirgelinta nidaamka qof iyo cod.

Waxa uu si gaar ah u xusay doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo doorashooyinkii isku sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka qabsoomay dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in doorashooyin isku sidkan oo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ah ay ka qabsoomaan Hirshabeelle.

Cabdikariin ayaa sheegay in hannaanka qof iyo cod uu Soomaaliya ka sameeyay horumar, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay heleen fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda siyaasadeed, muddo ku dhow 57 sano kadib.