Madaxweynaha Burkina Faso oo Shacabka Dalkaas u Sheegay in ay Iska Illaawaan Dimuquraadiyad.

0
251

Hoggaamiyaha militariga ee dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa u sheegay shacabka dalkiisa inay “iska illaawaan dimuqraadiyadda,” isaga oo hadalkan ka jeediyay wareysi uu sii daayay telefishinka qaranka dalkaas.

Traoré, oo talada dalka ku qabsaday afgambi dhacay bishii Sebtembar 2022, kadib markii uu xilka ka tuuray hoggaan militari oo hore, ayaa tan iyo markaas si weyn u xakameeyay codadka mucaaradka. Wuxuu si cad u sheegay in aan hadda laga hadli karin doorashooyin, isaga oo xusay in nidaamka dimuqraadiyadeed aanu ku habboonayn xaaladda dalka.

“Xitaa kama hadlayno doorashooyin marka hore… Dadku waa inay iska illaawaan arrinta dimuqraadiyadda. Dimuqraadiyaddu annaga nooma fiicna,” ayuu yidhi Traoré.

Tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda militariga ayaa sii adkeeyay cabudhinta siyaasadeed, iyadoo sanadkii hore la kala diray guddigii doorashooyinka, halka bishii Febraayo ee sanadkan baarlamaanka uu hoggaamiyo militarigu uu si rasmi ah u kala diray dhammaan axsaabtii siyaasadeed. Xisbiyada ayaa hore loo hakiyay tan iyo afgambigii 2022.

Burkina Faso oo muddo ku dhow toban sano wajahaysay weerarro ay geysanayaan kooxo hubeysan oo jihaadiyiin ah, ayaa kumannaan qof ku waayay rabshadahaas. Xaaladda amni darrada ah ayaa loo sababeeyay dib u dhaca ku yimid qorshihii dib loogu soo celin lahaa xukun dimuqraadi ah, kaas oo markii hore la qorsheeyay inuu dhammaado July 2024.

Si kastaba, militarigu wuxuu muddada kala-guurka ah u kordhiyay shan sano oo dheeraad ah, taasoo u oggolaanaysa Traoré inuu sii hayo hoggaanka dalka. Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in Burkina Faso ay dib uga noqoto go’aannada lagu mamnuucay axsaabta siyaasadda iyo in la joojiyo cadaadiska lagu hayo bulshada rayidka ah.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, Traoré wuxuu sidoo kale qaaday tallaabooyin uu ku xanibayo warbaahinta caalamiga ah, isagoo xidhay ama joojiyay qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta, isla markaana dalka ka eryay wariyeyaal ajnabi ah.