Qaraxyo is Daba Socdey ayaa Caawa lagu Weeraray Xeebta Liido oo Marti gelineysay Dadkii Nasashada Jimcaha ku jirey Taas oo Mar Qura isu Bedeshay Meyd iyo Dhaawac iyadoo aan ilaa Hada La Xaqiijin Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashey Qaraxyada.
Wararka Naga Soo Gaaraya Xeebta Liido ayaa Sheegaya in Dadkii Qaraxyada ka Danbeeyey Qaarkood ay ku Jiraan kana Dhex Dagaalamayaan Hotel ku yaal Goobta Qaraxyada Lala Beegsaday kaas oo lagu Magacaabo (Peach View).
Goobta oo Markii hore Farxad ayaa isu Bedeshay Murugo oohin iyo Dhawaaqa Gaadiidka Gargaarka Degdegga ee Loo yaqaan Anbalaasta,waxaana Magaalada laga maqlayaa Dhawaqa Gaadiidka Ambalaasta.
Qaraxyadan ayaa Laga Digayey labadii Maalmood ee lasoo dhaafey iyadoo aan cidina carab baabin halka uu ku wajahanyahey Qaraxyada laga Digayey ilaa Hada ma Jirto Cid Sheegatay in ay ka Danbeysay dhibaatadan,welina kama soo bixin wax wara Hay’adaha Amniga Dawladda Federalka Soomaaliya.
kala soco wararkeena Danbe wixii soo Kordha Insha allaah.












