M/weyne Deni oo Sheegay in SSC-Khaatumo ay Yeelan doonaan Xuquuqdii ay ku lahaayeen Puntland.

0
636

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dadka reer SSC- Khaatumo ay qeyb kasii ahaanayaan maamulka Puntland.

Hadalka madaxweyne Deni Puntland ayaa u muuqda mid jawaab u ah, hadal dhowr habeen ka hor uu sii daayay hoggaamiyaha SSC- Khaaumo, Cabdulqaadir Firdhiye, Kaaso sheegay in dadka SSC-Khaatumo aysan ka qeyn ahaan doonin doorashada soo socota ee Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu hadal uu xalay jeediyay ku muujiyay inuu garab taagan yahay dhismaha iyo horumarka maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inta uu maamulku ku jiro labada sano ee kumeel gaar yahay inay xuquuqdooda kusii lahaanayaan maamulkiisa Puntland.

“Puntland way taageersantahay dadka SSC, Maamulkooda iyo dhaqankooda sida hore u sheegnay, mudada labada sano ah ee ay dhismayaana wixii xuquuq ah ee ay Puntland ku lahaayeen sidoodii ayeey u helayaan, waana la garab-taaganahay taageero nooc walbo”Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.