Saraakiisha Ciidamada Dowladda Oo Sheegay In Ay Beegsadeen Garaash Lagu Diyaarinayey Qaracyo.

0
390

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhacay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lala beegsaday tuulada Mukayle oo galbeed ka xigta magaalada Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dawlodda ayaa sheegtay in la bartilmaameedsaday geerash ay yaallaan waxyaabaha qarxa ee kooxda.

Garaashka ayaa la sheegay in lagu diyaarinayey waxyaabaha qarxa, halka baabuurtana ay qaraxyo ka buuxeen, sida uu sheegay telefiishanka ku hadka codka dawladda Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa dawladdu sheegtay in lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo aan tiradooda la cayimin.

Dawladdu waxay sheegtay in hawlgalkan ay wada fuliyeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka, taasi oo inta badan iftiminaysa in dhinaca cirka laga saaciday ciidamada dawladda.

Warbaahinta dawladda ayaan shaacin waddanka ay taageerada ka heleen.

Ka sokow hawlgalka AMISOM, waxaa dawladaha taageeraa ciidanka Soomaaliya ka mid ah Maraykanka, Turkiga, Imaaradka iyo Itoobiya.