Waxaana wadooyinka soo gala masaaajidka laga arkaayey dad labisan oo ciidaya oo ka soo lugaynaya xaafadaha u dhow dhow iyadoo shalay cimiladu ahayd mid aad u wanaagsan
Waxaa salaaddii ciidda tujiyey Sh.Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mida culumadda waawayn ee geeska Afrika aadka loo dhgaysto Sheekha, oo halkaas khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabaynaysa ka soo jeediyey, isagoo xusay ama soo qaatay khudbadii ugu danbaysay ee uu jeediyo Nabi Maxamed NNKH , waxuuna shiikhu jameecada xusuusiyey khudbadii xiligaa uu nabigu ku yiri xujaydii Carafo taagneed.
Maamulaha Masaajidka Daruul faruuq Khalid Cumar ayaa HOL u sheegay in sadaxdii jeer la tukaday salaadaha ay markiiba soo xaadireen dhawr kun oo qof , waxuuna khalid ii sheegay dadaalkii dheeraa ay u soo galeen qabsoomida Salaada Ciida inay tahay mid xag walba ka hagaagtay alle mahadii.
Maamulka masjid Darul Faruuq Bloomington, ayaa aad ugu diyaar garoobay siday u kala hagi lahayeen hirarka dadka ah iyo Baabuurta oo sida is daba joogga ah isku dhaafayey wadooyinka soo gala masaajidka,iyagoo aad uga taxadaray amaanka maadaama ay aad usoo batay Islaam nacaybka ka jira dalkaan Maraykanka oo waxaa goobta amaanka sugaayey booliiska magaaladda ,ugu danbayntii waxay ku soo dhammaatay si habsami leh.












