Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dagaalka ka socda magaalada Khartum ee u dhaxeeya ciidamada qalabka sida Sudan iyo ciidamo gurmad ah.
Dad Soomaaliyeed oo u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.
Ardaygan oo la hadlay BBC Somali ayaa u sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan. Wuxuu sheegay in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.
Milateriga ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamada gurmadka degdega ah ay weerarreen taliska dhexe ee Khartuum, inkastoo xooggagaas ay beeniyeen eedeynta loo jeediyay.












