Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heerka abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya iyo goobaha ugu daran ee sida weyn u saameysay abaarta.
“Abaarta ka jirta dalka waxay saameysay ku dhawaad 6.9 milyan qof oo u dhiganta 42% guud ahaan dalka dadka ku dhaqan, waxayna ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, waxay sidoo kale abaarta sababtay in 1.5 Milyan oo Caruur Soomaaliyeed ah iney la dhul dhacaan macluul ama nafaqa daro” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo beegmaya, kadib kulan ay ku yeesheen Xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre guddiga gurmadka abaaraha iyo ganacsatada, kaasoo looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dadaalada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.












