Koox Abaabuleysay Dilal iyo Qaraxyo Kana Tirsan Al-shabaab oo Dawladda Soomaaliya Sheegtay In ay Burburisay.

0
334

Wasaaradda Warfaafinta ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgal ciidanka nabadsugida ka sameeyeen Waydow, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo lagu soo qabtay 10 xubnood ka tirsan Al-Shabaab.

Waa howlgalkii u horreeyay noociisa oo guryo ay raggaas ku sugnaayeen oo ay ku heysteen hub iyo agabyo kale lagu soo qabto.

Raggan ayaa la shgeegay inay ahaayeen shakabad katirsan Alshabaab oo abaabulaysay dilal iyo qaraxyo ay ka fulin lahaayeen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Alshabaab, waxayna ugu baaqday cid kasta oo la marin habaabiyay inay kasoo laabtaan.