Wasaaradda Waxbrashada oo goordhaw ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka ayaa sheegtay in tirada ku baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tagay ay tahay 32,325 arday oo u dhiganta boqolkiiba 97%, islamarkaana tirada Imtixaanka ku dhacday ay tahay 1,143 arday oo u dhiganta boqolkiiba 3%.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada 10-ka arday ee sanadkaan ugu sarreeya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Xukuumaddu qaadday, waxaana 6 ka mid ah ay noqdeen ardayda Imtixaanka ku gashay gobolka Banaadir, halka maamul goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug min hal arday ay uga mid noqdeen 10-ka arday ee ugu sareeysa natiijada Imxtixaanka fasal 12-aad.
Ardayda sanadkaan ku dhacday Imtixaanka ayaa tirada ugu badan waxay noqdeen ardayda ku sugan gobolka Banaadir kuwaas oo tiradoodu noqotay 1,100, halka maamul goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug wadarta ardayda Imtixaamnka ku dhacday ay noqdeen 43 arday kaliya.














