Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta oo Amar ku Bixisay in Laga Guuro Xarunta Wasaaradaasi dad Shacab ahina Deganyihiin.

0
181
Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta xukuumada Soomaaliya, ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda oo ku taala xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan.

Qoraal wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dhismahan looga faaidaysandoono dantii guud ee loo dhisay.Dadka degen dhismahan wasaaradda ayaa halkaas ku nool tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waqtigaas oo xarumo badan oo dowli ah ay gacmaha u galeen dad shicib ah.

Wasaaraddu wax waqti ah uma qaban dadku inay uga guuraan xarunteeda, balse waxay ku amartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga rartaan agabkooda.