Tiro madaafiic ah oon la ogeyn halka laga tuuray ayaa maanta lagu garaacay xarunta madaxtootada Soomaaliya, waxaana madaafiicda qaar ku dhaceen xaafado katirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.
Madaafiicda lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo gaarayay ilaa shan ayaa mid kamid ah ku dhacay Isbitaalka Jaziira ee kuyaalla degmada Wardhiigley, waxaana madfac si gaar ah ugu dhacay qeybta baaritaanada dheecaanka.
Maamulka Isbitaalka Jaziira ayaa sheegay in madfaca kusoo dhacay isbitaalka uusan dhalin khasaaro nafeed, waxa ayna xuseen kaliya in khasaaro gaarsiiyay dhismaha isbitaalka iyo qaar kamid ah agabkii isbitaalka ku shaqeenayay.
Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda maanta lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna madaafiicdan khalkgal badan ku beereen shacabka degna Wardhiigley.
Weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ayaa imaanaya xilli maanta xarunta Villa Hargeysa ee ku dhax taalla xeendaabka Madaxtooyada oo ay shir ku lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ,kuwaa oo codka kalsoonida siinayay xukuumadda cusub.

















