Xafiiska Hanti Dhawraha Guud oo Sheegay in uu ka Hortagey Heshiisyo ay Fulin Rabeen Qaar kamid ah Wasiirada Hada Jira loogana Digay in aaney wax heshiis ah Geli karin.

0
496

War saxaafadeed caawa kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in ay ka warheleen in qaar kamid ah hay’addaha dowladda qorsheeyeen hannaan lagu meel marinayo dhaqangelinta heshiisyo waa weyn oo sharci darro ah .

Xafiiska Hantidhowraha qaranka ayaa lagu sheegay in heshiisyadaan waa weyn ay gali lahaayeen hay’addaha dowladda gaar ahaan qaar kamid ah wasiirada ku kacayo malaayiin dollar uuna saameyn dhaqaale dalka ku yeelan lahaa.

Hantidhowrka qaranka ayaa sheegay in ay kahor tageen ayna joojiyeen heshiisyadaasi ay hay’adaha dowladda gali rabeen, waxa uuna  hantidhowraha ku amray hay’adaha dowladda in aysan geli karin heshisyo inta xukuumadda cusub xilka la wareegeyso.