Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa weydiisatay hay’adda IMF inay dib ugu dhigto muddo saddex bilood oo dheeraad ah qiimeyn dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo muddeysan 17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib xiliga doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ka caawiso Soomaaliya.” ayaa lagu sheegay waraaqda.
Muddo bilooyin ah, dowladda federaalka ayaa ka aamusneyd arrintan, waxayna cosdiga muddo kordhinta IMF dowlada Soomaaliya ka codsatay ka dhigantahay ineysan dowladu ka soo bixin xilligii loogu talagalay inay uga qeyb qaadato dib u eegista.
Kaalmo Saddex sano soconeysa, gaareysana ku dhawaad $400-milyan (380-milyan Euro) oo hay’adda IMF ugu talogashay inay ku taageerto barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa si automatic ah meesha uga bixi kara, haddii aan la dhameystirin hanaanka dib u eegista maaliyadda Soomaaliya, ayaa yiraahdeen khuburo dhanka maaliyadda ah oo warbaahinta la hadlay.
Dib u dhacani ayaa la leeyahay wuxuu keeni karaa inuu halis galo barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya iyo kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta iyo kabka misaaniyadda Soomaaliya. Lama oga inay IMF oggolaan doonto iyo in kale, hayeeshee mudada loo qabtay Soomaaliya ayaa waxay sabab u ahayd dedejinta guddiga doorashada oo shalay ku dhawaaqay in 15-ka bishaan May la qabto doorashada Madaxweynaha.













