Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan ineysan gali karin wax heshiisyo ah.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka ayaa lagu sheegay in hay’addaha dowladda laga joojiyay galitaanka iyo bilaabida dhaqan galinta heshiisyada dheef wadaaga ah inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.Hantidhowraha Qaranka ayaa uga digay masuuliyiinta dowladda iney saxiixaan heshiisyo aan waafaqsaneen dastuurka dalka, isagoona sheegay cidii arrintaasi ku dhaqaaqda laga qaadi doono talaabo adag.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka:-

