Gurmad Xoog leh oo Loogu Jiro Deminta Dab ka Qarxey Isgoyska Banaadir Caawa Welina Sii Fidaya Daawo Sawiro.

0
470

Waxaa sii xoogeystay Dab xooggan oo caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, iyagoo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Sidoo kale Dadweyne fara badan ayaa gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya rasaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka oo ku sii faafaya goobo kale oo ganacsi iyo dhismeyaal halkaas ku yaall.