Gudiga Qabaqaabada Doorashada M/weynaha oo Soo Saarey Habraaca Amniga Goobta Doorashada iyo halka ay ka Dhaceyso.

0
408

Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca amniga doorashada madaxweynaha goobta ay ka dhaceyso oo ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyay in amniga goobta doorashada ay sugayaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaana ay caawin doonaan tiro ka mid ah askarta Booliiska Soomaaliya.

Habraaca amniga doorashada ayaa sidoo kale lagu wargaliyay Musharaxiinta Madaxweynaha in ciidamada hubeysan ee la socda lagu reebi doono albaabka Madina Gate oo ah albaabka ay Mushariinta ka gali doonaan Teendhada Afisyooni oo ah goobta doorashada ka dhaceyso 15-ka bishaan May.

Hoos ka akhriso Habraaca oo doorashada Amniga oo dhameystiran:-