Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.
Magacaabidda Ergeyga gaarka ah ayuu madaxweynuhu sheegay inay muujineyso sida uu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah.
Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo caalami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu magacaabay Ergeygan, iyadoo la eegayo khibradiisa iyo fahamka uu u leeyahay arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada.
Waxaana La isweydiinayaa in uu Xilka Xubinimada barlamaanka Luminayo iyo In kale Sida uu Dastuurku Qabo Xildhibaanku Ma Qaban karo Xil aan aheyn Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen.
Cabdirahman Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ah munsharaxinta u tartantay xilka madaxweynanimada Soomaali, wuxuuna noqonayaa masuulkii afaraad ee uu magacaabo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo xafiiska jooga 24 saac.












