Doorasho Barbar Socota Midda Kusoo Dhamaatey Ceelwaaq oo Caawa Ka Bilaabatey Magaalada Garbahaarey iyo Khilaaf Sii Adkaanaya.

0
521

Dhinaca kamid ah guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Garbahaareey ee caasimadda gobolka Gedo ka bilaabay doorashada 16ka kursi ee aqalka hoose ee yaala Gedo.

Xildhibaankii ugu horreeyay ee kusoo baxa doorashadan ayaa lagu magacaabo, Ducaale Aadan Maxamed, waxayna isku beel yihiin wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Carab, oo shalay lagu doortay magaalada Ceelwaaq.

Sidoo kale, waxaa magaalada Garbahaareey lagu doortay Wasiir ku xigeenkii hore arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxman Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Cawar. Wuxuu ku guuleystay kursiga HOP078.

Kursiga saddexaad ee sumadiisu tahay HOP100 waxaa dib loogu doortay xildhibaan Cabdicasiis Xaaji Xasan (Dhagaqool) oo ku fadhiyay 5tii sanno ee lasoo dhaafay.

Doorashada ayaa weli socota , waxaana isla caawa lagu wadaa in magaalada Garbahaareey lagu doorto tiro badan oo xildhibaanno ah.

Doorashooyinka ka socda gobolka Gedo ayaa noqday kuwa isbarbar socda, waxaana maanta magaalada Ceelwaaq lagusoo gabagabeeyay doorashadii lagu qabtay oo maamulka Jubbalad uu maamulayay.

Doorashadan waxay ka dhigan tahay in kursi kasta loo dooranayo labo xildhibaan oo isku reer ah, waxaana laga walaacsan yahay inay keeni karto xasilooni darro saamayn ku yeelata doorashada Soomaaliya.