Murashax Xildhibaan Barlamaanka Federalka Soomaaliya C/qaadir Xuseen Coloow ayaa Booqdey Dhaawacyada Isbitaalka Xoogga ee Beledweyne iyadoo ay halkaas kusoo Dhaweeyeen Saraakiil uu horkacayey Taliye Baakaay,waxeyna ka Gudoomeen Deeq Lacageed oo uu ugu Tala Galey Murashax Colow in uu Xanuunka la wadaago askarta halkaas jiifa iyagoo na Difaacaya ayey dhaawacmeen waa in aan wax ka Qabano Baahiyahooda ayuu Yiri Murashax xildh- kursiga HOP 058 ee Deegaan Doorashadiisu Tahey B/weyne isagoo u Rajeeyey In alle Bogsiiyo si Dhaqso ah halka Saraakiisha iyo Dhaawacyadu uga Mahadceliyeen Deeqda uu Soo Gaarsiiyey waxeyna u Rajeeyeen in uu Kursiga uu Ku Guuleysto.
Dhanka kale Murashaxa ayaa Deeq Lacageed Iyo Dawooyin Gaarsiiyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne isagoo Murashaxu Sheegay in aaney intaas ku Ekaan Doonin ee ay Joogto Noqon doonto Ka Warqabka Baahida Isbitaalka B/weyne waxaana Deeqda ka Gudoomey Masuuliyiinta Isbitaalka oo aad uga Mahadceliyey Murashax Coloow ayna u Rajeynayaa guusha Xilka uu rabo isagoo Noqdey Murashixii ugu Horeeyey uguna Danbeeyey ee Hoos usoo Fiiriya Arrimaha Bulshada iyo Dryeelkooda.
Murashax C/qaadir Xuseen Coloow ayaa ah Ganacsade Ku Nool Dalka Debeddiisa iyo Gudaha Dalka Waxa uuna Noqon Karaa Nin Abuura Shaqooyin Dhalinyaro badan oo Sidii la Rabo loo Adeegsado Dalka Gudihiisana Camal La’aan ku ah ayaa Maanta u baahan in ay Dalkooda ku Helaan Amni,waxbarasho,Caafimaad iyo Shaqo waana Middaas tan uu ku Haminayo Murashaxu Hadii uu Kursigan Hop 058 ku guuleysto Kursigan oo uu Hore ugu Fadhiyey Nuur Iidaw ayaa Hada u Muuqda in uu Doonayo in isaga Loo Xiro oo aan lagula Tartamin waana Mida keentey Hakadka Doorashadii Ka Socotey B/weyne waxaana arintaas kasoo horjeestey Odayaasha iyo Murashaxiinta uu Kursigaan Metalaadiisu ka Dhexeeyo.
Dhawaan ayaa La filayaa in Go’aankiisa Doorashadu Soo baxo Sida Lagu Soo waramayana Murashax Coloow waa ninka ugu Cad cad ee La Filayo in uu ku Guuleysto haduu ka Badbaado Musuq iyo Wax isdaba Marin Hareysay Meelo Badan oo ay ka Dhacdey Waxa Loogu Yeeray Doorasho Dadban ee 2021-2022.












