Farriin uu u diray madaxweynaha Ruushka, ayuu Mr Wallace ku sheegay in Mr Putin uu uu waddankiisa halis u gelinayo in la go’doomiyo tobannaan sano haddii uu ciidamadiisa la bixi waayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hubka halista ah ee thermobaric la geeyay halkaas, uuna isagu ka walwalsan yahay ilaa heerka uu gaadhi doono Ruushka muddada soo socota.
Maalintii Arbacada, Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa sheegay in Mr Putin uu horayba u leeyahay mas’uuliyadda dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa hadalkan jeediyay isagoo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Estonia, Kalle Laanet, oo ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Tallinn. Mr Wallace ayaa Estonia ku jooga booqasho uu ku marayo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato.












