Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu doonayo in kuraasta harsan ee Baledweyne taala doorashadooda la furo, halka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu isna doonayo in kuraasta harsan qaarkood in loo xiro musharaxiin gaar ah.
Waxaa sidoo kale lasoo warinayaa in khilaafka labada masuul soo kala dhex galay inuu sameyn ku yeeshay guddiga doorashada Hirshabeelle oo la sheegay iney la kala safteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay haatan sheegayaan in hoolka doorashada ay xirteen ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed.
11-ka kursi ee sababay khilaafka xoogan ee soo kala dhexgalay madaxda ugu sareysa Hirshabeelle ayaa ah kuraas ay ku fadhiyaan shaqsiyaad miisaan sare ku leh siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo waqtigaan ciidamo farabadan ku dhex haysta gudaha magaalada Baledweyne.
Khilaafka labadaan masuul ayaa noqon kara mid saameyn adag ku yeelan kara dhameystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 ee dalka, xili mudada loo qabtay dhameystirka doorashada ay ka harsan tahay sideed maalmood oo kaliya.












