Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Sheegay In Loo Diiday Safar Uu Ugu Anna Bixi Rabay Baydhaba.

0
475

Shariif Xasna Sheekh Aadan ayaa sheegay maanta in loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka koonfur galbeed.

Safarka gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ujeedkiisu ahaa si uu ugu tartama kursi ka mid ah baarlamaanka oo degaan doorashadiisu tahay magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa arrintan ku eedeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen hase yeeshee weli Wax war ah kama soo bixin dhanka maamulka baydhabo.