Guri ku yaal Degmada H/wadaag oo Laga helay Geedka Xashiishda Beer Lagu Beeray Nuuca Murjuwana.

0
501

Ciiddanka amniga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay guri Lagu beerayay geedka laga sameeyo Xashiishka iyo dadkii ku lugta lahaa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ahayd howlgal ay xalay ciiddamadu ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee degmada Howlwadaag kadib markii ciidamada Booliska ay xog ka heleen bulshada.

Taliyaha Saldhigga Howlwadaag Najiib Cabdi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in geedka laga beerayay Xashiishadda uu yahay nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay gacanta ku dhigeen haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“ Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.