Ciidamada NISA oo Looga Digey in ay ku Milmaan Siyaasadda Isdiidan ee Soomaaliya iyo waxa Looga Jeedo.

0
649

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa soo saartay digniin ay ciidamadeeda uga digayso inay ku milmaan Siyaasadda iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah go’aanno maalmihii la soo dhaafay ka soo baxayay Talisyada ciidanka xoogga dalka iyo Booliska, kuwaas oo ay ciiddamada qalabka sida ee ay xukumaan uga digayay inay ku milmaan siyaasadda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay tixgalinayso baaqyo ka imaanayay shacabka Soomaaliyeed oo ah in Ciidamada dhexdhexaad ka noqdaan  siyaasadda.

Xiisado ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa saamayn ku yeeshay arrimaha ciiddamada.

Raysal wasaare Rooble ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in ciiddanka qaranka uu adeegaday in lagu afgambiyo dowladnimada haatan jirta islamarkaana dalka dib loogu celiyo fowdo iyo kala dambayn la’aan.