“Waxaad moodaa habraacii August lagu heshiiyay inuu ahaa habraac awoodda loo fasaxay in ay ku tagri faki karaan dadkii ku hayay doorashada iyo maamulada,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dalku u baahan yahay Samata-bixin, isla markaana uu ku biiridoono wadatashiyada ay wadaan golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya.
“Dalka doorasho caddalaad ah kama socoto, haddii aan hadda xal loo helin sida ay wax ku socdaan, dadku waa ka hor imaandoonaa ama wixii soo baxa ayaa la diididoonaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa inuu kamid yahay musharraxiinta madaxweynaha u sharraxan, wuxuuna horey labo jeer dalka ugasoo noqday raysal wasaare, isagoo lasoo shaqeeyay labadii xukuumad ee ugu dambeeyay.











