Qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo Magaalada Muqdisho Lagu Doortey.

0
491

Guddiga Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ayaa maanta dib u bilaabay doorashada musharraxiinta ku tartamaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Jaamac Maxamed Askar oo horey uga mid ahaa barlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay Hop 254 ee Golaha Shacabka, ka dib markii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Axmednuur Haybe oo la tartami lahaa.

Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa isna ku guulaystay kursiga ee labaad ee doorashada, isagoo helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala heleen Axmed Maxamuud Muxumed oo helay 22 cod  iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen oo helay 21 cod.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana kusoo baxday doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, waxayna mar kale difaacatay kursigii ay ku fadhiday, ka dib markii ay tartanka ka tanaasushay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd

Waxaa kursiga 4aad ee maanta doorashadiisu dhacday ku guulaystya xildhibaan Cabdilaahi Cismaan Ducaale. kadib markii ay tartanka ka tanaasushay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.

Sida muuqata weli dhinaca tanaasulka tartamayaasha ayaa ku badan doorashada aqalka hoose, iyadoo arrintaan ay qeyb ka tahay waxyaabaha cabashada laga muujiyo ee hufnaanta doorashada.

  1.