Khilaaf gacan ka hadal isku badalay ayaa ka dhex qarxay xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka ee Golaha Wakiilada Somaliland, kadib markii laysku qabtay sharcinimada xeerka furista ururada siyaasada.
Xildhibaanno ilaa 45 xildhibaan ah oo taageersan in xeerka furista ururada siyaasadu uu sidaa dhaqangal ku yahay, ayaa diiday in ay kalfadhigii saaka golaha galaan, iyadoo dhinaca kale uu guddoomiyaha goluhu kal fadhiga ku furay tiro aan ka badnayn 25 xildhibaan isagoo sheegay in aan loo baahnayn in kooramku buuxsamo.
Kadibna, waxaa bilaabmay gacan ka hadal iyadoo xildhibaannada qaar gacanta iskula tageen. Ciidamada booliiska oo golaha soo gaadhay ayaa gacanta ku dhigay xildhibaanadii ay gacantu kala gaadhay.
Ilaa iyo hada xaalada goluhu ma dagana, isla markaana xildhibaannada muxaafadka ayaa diidan in ay golaha galaan.











