Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Dad ku sugan degmada Matabaan ayaa Shabakadda WARSOM u xaqiijiyay in dagaalamayaasha Shabaab ay si rasmi ah ula wareegeen xaruntii maamulka degmada iyo Saldhiga Booliiska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Al-shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan, kadib markii halkaasi isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa degmada.
Qabshada Al-shabaab ee degmada Matabaan ayaa imaaneysa xili xalay fiidnimadii hore ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Beergidiid, Jiracle, Bacda oo dhamaantood ah deegaano hoostaga degmada Matabaan, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Matabaan iyo saraakiishii ciidamada dowladda ee isaga baxay degmada.











