Askartii Dadka Shacabka ah Ku Diley Meelo Muqdisho Kamid ah oo Booliska Soomaaliya Sheegeen ay Gacanta kusoo Dhigeen.

0
357

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska, ayaa lagu sheegay, in eedaysaneyaasha kiiskan oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ay hadda ku jiraan gacanta Dowladda.
“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen. Eedaysaneyaasha oo kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa hadda ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu har iyo habeen u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa shacabka ka codsanaynaa in ay si dhow u la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Booliiska waxay sheegeen in eedeysanayaasha iyo caddeymaha kasoo baxay baaritaanka lagu sameeyay sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh kiiskan.

 

Hadalka kasoo yeeray ciiddanka booliiska ayaa kusoo aadaya, iyadoo isla xalay magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal dhallinyaro ah oo katirsanaa ciiddanka asluubta Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay gaari bajaaj ah uu la socday ku fureen ciiddamo katirsan dowladda federalka Soomaaliya.

  1.