Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka ay masuul ka ahaayeen dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay allaha u naxariistee labo qof oo walaalo ah oo ahaa gabadh iyo wiil.
Afhayeenku ma sheegin in gacanta lagusoo bandhigay askartii falka ka dambeysay, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno hay’addaha amniga ku ogaanayaan dambiilayaasha.
Dhinaca kale, Ehelada marxuumiinta ayaa laamaha amniga ugu baaqay inay si degdeg ah usoo qabtaan dambiilayaasha dilka geystay, waxayna ka digeen in kiiskooda la meermeeriyo si aanay caddaalad u helin.
Sarakiye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa labada qof ee ku baxay gacanta ciiddanka, ayaa waxay ahaayeen arday ka qalin jebiyay jaamacaddaha, kuna jiray da’da 22 illaa 30 jir.











