M/weyne Farmaajo oo Ku Baaqey in Dadka Abaaruhu Saameeyeen Gar gaar Deg Deg ah Lala Soo Gaaro.

0
275

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa mushaarkiisa Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay gurmadka abaaraha, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta dadka abaaruhu saameeyeen, isagoo ka codsaday shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay mushaarkooda wax ugasoo jaraan gurmadka Abaaraha, sida golaha Xukuumadda oo jaray 20% Mushaharkooda

Abaaraha ka jira Soomaaliya oo ka dhashay roob yarida labadii sano ee ugu dambeysay, ayaa si isku mid ah u saameysay gobolada Soomaaliya, inkastoo deegaannada Jubbaland ay yihiin meelaha ugu darran.

Inkastoo abaartu taagan yahay, haddana 24 saac ee ugu dambeysay gobolada dalka waxaa ka da’ay roobabkii dayrta, waxaana la filayaa in maalmaha soo soscda roobab fiican ay ka da’idoonaan qeybo kamid ah dalka.

  1.