Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wafti uu hogaaminayo, oo safar dhinaca dhulka ah Somaliland kusoo gaadhay, ayaa sheegay in uu u socda sidii Somaliland iyo deegaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika.
“Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay, dowlad aanu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loosii adkayn lahaa ayaanu u soconaa”.
Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in uu saxaafada la wadaagi doono waxa ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib markay kulamo qaataan.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiil kale oo xukuumada Somaliland ka tirsan.











