Taliska ciiddanka PSF oo soo saaray qoraal kooban ayaa sheegay in aysan wax amar ka qaadan doonin kuwa ay sheegeen in ay cadowga la shaqeynayeen, iyaguna ay ka difaacayeen.
Waxay sheegeen in ay yihiin ciiddan aan ku dhex milmin arrimaha siyaasada iyo ururada, iyagoo tilmaamay in ay u heelan yihiin la dagaalanka cadowga Puntland.
Hadalka kasoo yeeray PSF ayaa kusoo aadaya, isagoo wasiirka amniga Puntland uu ku goodiyay in si aan baryo lahayn xilka loogu wareejinayo agaasimaha cusub ee loo magacaabay PSF.
Wasiirka amniga Puntland ayaa uga digay ciidanka PSF in ay qalqal amni ka abuuraan magaalada Boosaaso isla markaana ay si nabad galyo ah ku dhacdo xaflada xil wareejinta.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo hor leh lagu soo daabulay magaalada Bosaso, waxaana arrintaas ka dhashay in ay Isimada iyo odayaasha dhaqanka yeeshaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo arrintan.












