Daawo: Qaadigii Maxkamada Kurtunwaarey ee Al-shabaab oo Dawladda Federalka isu Soo Dhiibey.

0
295
Guddoomiyihii maxkamadda degmada Kuntur-waarey Maxamed Xasan Macallin oo magaciisa afgarashadu yahay (Abu-cali) ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadda Qoryooleey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge Maxamed Xasan Macalin (Abu-cali) uu kooxda Alshabaab u qaabilsanaa ururinta waxay ugu yeertay lacagaha baaddaha ee laga qaado shacabka reer Kuntur-waareey.Dowladda waxay sheegtay in isisoo dhiibadiisa ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha degmadda Qoryooleey.

Ma ahan sarkaalkii ugu horreeyay ee Alshabaab kasoo goosta ee ku biira dowladda, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay aad usoo kordhayeen saraakiisha iyo askarta kasoo goosanaya Alshabaab ee dowladda isku dhiibaya.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim Xasan ayaa ka warbixiyay qaabka uu isku soo dhiibay Guddoomiyihii maxkamadda Alshabaab ee degmada Kuntur-waareey.
  1.