Agaasime Cusub oo Maanta Loo Magacaabey Madaxtooyada Soomaaliya Villa Soomaalia.

0
806

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya waxaa loogu magacaabay inuu noqdo prof, Maxamed Cabdullaahi Ciise oo loo yaqaano Ciise dheere, kaasoo badalaya Agaasimahii hore ee madaxtooyada Cabdisaciid Muuse Cali.

Magacaabista Agaasimahan cusub ayaa imaaneysa xili dhawaan Agaasimahii hore Cabdisaciid Muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub ee madaxtooyada inuu si hufan u guto howlaha muhiimka ah ee horyaala, islamarkaana alle waxuu uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday Agaasimaha cusub.

  1.