Wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta heer keedu sareeyay ee maanta loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin guushii laga gaaray kiiskii dacwada badda ee Kenya ay murunka galisay.
12-kii bishaan ayay aheyd markii Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ay go’aan ka gaartay kiiskii dacwada badda ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona doodda labada dal ay aheyd Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.
Maxkamadda ICJ ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqatay xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.











