Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weeraro xalay lagu kala dilay saraakiil ka kala tirsaneyd maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.
Al-shabaab ayaa bartooda Internetka waxay ku shaaciyeen in weerarka ay ku dileen sarkaalka ka tirsanaa Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan oo sidii la rabay u fuliyeen askartooda.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbland oo la xiriira dilka Shabaab u geysteen sarkaalka lagu magacaabi jiray Xasan Inyow oo ka tirsanaa saraakiisha maamulka Jubbaland.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sidoo kale bartooda Internetka ku sheegatay in qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ay ku dileen guddoomiyahii deegaanka Buula Jaay iyo askar ka tirsaneyd ilaaladiisa.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ah la beegsata masuuliyiinta iyo askarta ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.











