Dowladda Kenya ayaa heegan sare uga jirta xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ay bisha soo socota ka gaari doonto dacwada ku saabsan muranka soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.
Maxkamaddu waxa ay go’aankeeda ku saleyn doontaa iyadoo cuskanaysa xeerarka caalamiga ah, dhammaystirka xuduud badeedka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta Hindiya.
Waqtiga xukunka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa sannad guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda al –Shabaab, waxaa sidoo kale taas loo arkaa “dharbaaxi wejiga looga dhuftay Kenya”.
Wargeyska afka dheer ee The Nation ee kasoo baxa Kenya, ayaa ku waramaya in Kenya aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda, iyo in madaxda ugu sareysa dowladda Kenya ay qaadan doonaan go’aan ay kaga hor imaan doonaan xukunka maxkamadda.











