Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya iney korortay tirada dadka ku dhintay bananbaxyada rabshadaha wata ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynahii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.
War kasoo baxay Booliiska dalka Koofur Afrika ayaa lagu sheegay in 45 qof lagu dilay gobolka Gauteng, halla 27 qofna lagu dilay gobolka KwaZulu Natal ee dalkaasi Koofur Afrika.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhimashada iyo dhaawaca ugu badan ay ka dhasheen qaraxyada lagu sameeyo mashiinada lacagaha lagala baxo ee loo yaqaano ATM-ka kaasoo banaanbaxayaasha ay doonayaan iney jabsadaan si ay lacagta ugala baxaan.
Boobka iyo rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa bilaawday Khamiistii lasoo dhaafay kadib markii xabsi la dhigay Jacob Zuma oo ahaa madaxweynahii hore dalkaasi, waxaana xarigiisa uu noqonaya taariiqda dalkaasi madaxweynahii ugu horeysay ee la xakumo islamarkaana xabsi la dhigo.











