Wax loogu yeeray Muddo kordhin Barlamaanku Sameeyey oo Dawladda UK War kasoo saartey.

0
504

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid go’aankii dhawaan Golaha Shacabka muddo kordhinta aay ugu sameyeen madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska James Duddridge ayaa sheegay iney ka xun yihiin tallaabada muddo kordhinta labada sano ee Xildhibaanada u sameeyeen Hay’addaha dowladda iyo madaxweyne Farmaajo.

“Waan ka naxnay markaan maqalnay muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waana tallaabo hoos u dhigeysa kalsoonidii lagu qabay hoggaaminta Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda Ingiriiska.

Wasiir James Duddridge ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaalida iney si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada, si xal waara looga gaaro khilaafaadka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Si kastaba ha ahaate hadalkan kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa imaanaya xili madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay saxiixay sharciga jiheynta doorashooyinka Qaranka.

  1.