M/weyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u Amba baxey Safar Dalka Debeddiisa ah iyadoo la sheegay in uu Aadey Dalka CONGO.

0
587

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu anbabaxay dalka Jamhuuriyadda  Congo tan iyo markii dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo korarsi labo sano ah ku sameeyay.

Lama oga dhab ahaan ujeedada socdaalka madaxweynaha walina madaxtooyadu kama aysan hadal, balse warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu la xiriiro wada hadal lagu waddo in laga dhax bilaabo dowladda dowladdood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dalkaasi uu Khamiista soo socta ee toddobaadkan uu booqdo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya xili xasarad siyaasadeed ay ka taagan tahay muddo kordhinta labada sano ee loo sameeyay dowladdiisa.

  1.